|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Kooxo aan la garaneeyn ayaa xalay Bam Gacmeed ku weeraray fariisin ay Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin deegaanka Toowfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Kadib markii xalay Bamgacmeed lagu weeraray CiidamadaItoobiya oo fariisinka ku lahaa qeeyb ka mid ah Degmada Yaaqshiid, gaar inta u dhexeeysa Hotel Towfiiq iyo Daarta Soomaali Post ee isla Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa halkaasi ka dhacday rasaas socotay Saaacado kooban oo u dhexeeysay Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxihii weerarka ku soo qaaday.
Lama sheegin wax qasaare ah oo soo kala gaaray labada dhinac ee uu iska hor imaadka ku dhex maray Deegaanka Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid iyo weliba dadkii rayid ahaa ee ka agdhawaa deegaanadaasi sida ay xaqiijiyeen dadka Deegankaasi.
Qaraxaasi iyo weerarka xigay kadib ayaa saaka waaberigii waxaa ay Ciidamada Itoobiyaanka bilaabeen in ay isku fidiyaan agagaarka halkii xalay lagu weeraray, kuwaasi oo tiro dad ah ku qabqabtay halkasi oo u watay halka ay fariisnka ku leeyihiin.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee weerar sidan oo kale ah lagu qaado Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka ku leh qeeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo weerarka ka dib bilaaba in ay dadka deegaankaasi ka agdhaw qab qabta.
|